Dunida maalgashiga cryptocurrencies, gaar ahaan Bitcoin, waxaa jira maalgashadayaal waaweyn oo loo yaqaan whales — kuwaas oo haysta tiro badan oo Bitcoin ah. Marka ay doonayaan inay iibsadaan ama iibiyaan lacag badan oo Bitcoin ah, waxay adeegsadaan habka loo yaqaan OTC Trading (Over-the-Counter). Laakiin maxay tahay OTC trading, sidee bay u shaqeysaa, maxaase ay whales ugu doortaan habkan? Qoraalkan waxaan ku eegaynaa faahfaahinta habkan muhiimka ah iyo sababaha ka dambeya isticmaalka badan ee maal-gashadayaasha waaweyn.
OTC Trading Waa Maxay?
OTC Trading waa habka suuqa ka baxsan ee lagu kala iibsado hantida maaliyadeed sida Bitcoin. Taas micnaheedu waa in heshiiska uu dhexmaro laba dhinac si toos ah, iyadoo aan la marin suuqyada caadiga ah sida Binance, Coinbase ama Kraken.
Heshiisyada OTC waxaa fududeeya shirkado gaar ah oo loo yaqaan OTC brokers ama dealers, kuwaas oo isku xiraya iibsadaha iyo iibiyaha si qarsoodi ah. Tani waxay ka caawisaa labada dhinac inay ganacsiga fuliyaan iyadoo aan la saameynin suuqa guud.
Maxay Whales u Adeegsadaan OTC Trading?
Maal-gashadayaasha waaweyn waxay isticmaalaan OTC trading sababo dhowr ah oo muhiim ah. Haddaba aan u fiirsanno sababahaas:
1. Suuqa Ma Saameeyo
Marka qof whale ah uu isku dayo inuu si toos ah u iibsado Bitcoin badan suuqa caadiga ah, waxaa dhici karta in qiimaha suuqu kor u kaco ama hoos u dhaco si degdeg ah. Tani waxay khatar ku tahay maal-gashadayaasha maadaama isbeddelka weyn ee suuqa uu saameyn ku yeelan karo qiimaha Bitcoin-ka la iibsanayo.
Tusaale: Haddii whale uu damco inuu iibsado 10,000 Bitcoin si toos ah Binance, dalabkaasi wuxuu si lama filaan ah u kicin karaa qiimaha, taas oo keeni karta in uu ku bixiyo lacag ka badan inta uu filayay.
2. Lacag Badan oo La Iibsado
OTC trading waxay suurtagal ka dhigtaa in maalgashadayaasha waaweyn ay ku iibsadaan Bitcoin boqollaal milyan oo dollar ah hal mar. Shirkadaha OTC waxay leeyihiin xiriiryo ballaaran oo ay la leeyihiin maal-gashadayaal waaweyn, bangiyo, iyo hay'ado maaliyadeed, taas oo sahasha in lacagta badan si fudud loo kala iibsado.
Tusaale: Haddii shirkad maaliyadeed oo weyn ay damacdo inay iibsato Bitcoin qiime gaadhaya $500 milyan, waxay u baahan tahay OTC broker la isku halleyn karo si ay u fuliyaan heshiiska iyadoo aan suuqa la saameyn.
3. Amaan iyo Qarsoodi
OTC trading waxaa loo adeegsadaa habab ammaan ah oo qarsoodi ah, kuwaas oo ka fogaanaya in suuqa laga ogaado waxa ka socda. Maadaama heshiiska uu yahay mid gaar ah, xogta labada dhinac lama soo bandhigo, taasoo ilaalinaysa xogtooda gaarka ah iyo amniga lacagtooda.
Qarsoodiga: Maal-gashadayaasha qaar waxay rabaan inay iska ilaaliyaan inay caan ka noqdaan suuqa, sababtoo ah waxay keeni kartaa in ganacsato kale ay la tartamaan ama suuqa la maamulo si aan toos ahayn.
Faa'iidooyinka iyo Khasaaraha OTC Trading
Faa'iidooyinka:
- Qarsoodi: Ma jirto xog suuqa la galinayo oo la xiriirta heshiiska.
- Amaan: Iibsiga iyo iibinta waxaa fuliya shirkado la isku halleyn karo.
- Qiimo deggan: Waxay ka hortagtaa kor u kaca degdega ah ee qiimaha suuqa.
Khasaaraha:
- Ka qaybgalka adag: Uma sahlana dadka caadiga ah inay si fudud uga qayb qaataan OTC trading.
- Fee sare: Shirkadaha OTC mararka qaar waxay dalbadaan fee sare maadaama ay bixiyaan adeegyo gaar ah.
- Transparency la'aan: Maadaama heshiisyadu yihiin kuwo gaar ah, ma fududa in la ogaado xaddiga saxda ah ee Bitcoin-ka lagu kala iibsado.
Sidee Looga Qayb Qaataa OTC Trading?
Haddii aad tahay maal-gashade waaweyn ama shirkad maaliyadeed oo doonaysa inaad ka qayb qaadato OTC trading, waxaad la xiriiri kartaa shirkadaha soo socda:
- Genesis Trading
- Cumberland
- ItBit
- Circle Trade Shirkadahan waxay bixiyaan adeegyo gaar ah oo OTC ah, kuwaas oo ammaan ah kuna habboon maal-gashadayaasha waaweyn.